xiisad colaad oo ka taagan Khaatuma Taleex

174

Wararka laga helayo dhulka Taleex ee maamulka Khaatuma ayaa waxa ay sheegayan in Ra’iisal Wasaarihii hore Cali khaliif galeyd, oo in muda ah ba ku sugnaa dhulkaa kuna howlanaa dhisida  maamul gobaleed ka madax banaan Somaliland uu hada shirar kala duwan la leeyahay waxgarad ku dhaqan dhulkaas.

Iyada oo hadal maanta kasoo baxay maamulka Soomaaliland uu sheegayo in ay ka wadaan Taleex howl gal lagu baacsanayo Cali khalif galeyd, iyaga oo isla markaana ku eeedeynaya in uu ku mashquulsanyahay kala qeybinta dadka ku dhaqan dhulkaas, iyo burburinta maamulka Soomaaliland.

Waxa uu intaa ku daray masuul u hadlay maamulka Soomaaliland, in ay u direen Taleex ciidan gacanta kusoo dhigo Cali khaliif iyaga oo rajeynaya in saacadaha soo socdo gacanta lagu soo dhigi doono.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaarihii hore Cali khaliif oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBCda ayaa sheegay in aysan jirin cid baac saneyso oo gacanta ku dhigi karto isla markaana uu haatan ku sugan yahay dhulka Taleex ee maamulka Khaatuma,

Waxa uu intaa kusii daray in Taleex ay tahay dhulkiisa uuna meel uga socon, “waxa aan u jooga in aan waxgaradka iyo duqowdaTaleex aan wada tashi la sameyno si loo hormariyo maamulka Khaatuma ayuu yiri Cali khaliif”

Si kastaba ha ahaate, waxaa ka taagnaa dhulka Sool Sanaag iyo Taleex in muda ah xiisado colaadeed taa oo ay maamulka Soomaailand ku diidanyihiin in maamul ka madax banaan laga dhiso dhulkaa, iyaga oo sheegayo in ay tahay qeyb kamid ah dhulka Soomaliland ayna kago’een Soomaaliya inteeda kale.

Waxaa horay u dhacay dhowr iska hor imaad kaas oo u dhaxeeyay ciidama kala taabacsan Soomaaliland iyo Maamulka Khaatuma iyo Puntland oo dhinac ah, kaas oo ay ku dhinteen dad aad u fara badan.

Lama oga xaaldahan cusub halka ay ku biya shuba doonaan iyada oo walaac balaaran laga qabo dagaalo cusub oo  kadhasho hadalka kasoo baxay masuuliyiinta katirsan maamulka Soomaaliland kaas oo ah baacsigaa madaxda ku howlan dhisida maamul shaqeeya ee reer Khaatuma leeyihiin.

Www.xaqiiqa.com