Xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Maraykanka oo la toogtay

293
Scalise is the third-ranking member of Republican leadership in the House of Representatives [Alex Brando/AP Photo]

Senatar ka tirsan aqalka wakiilada Mareykanka ayaa lagu toogtay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia, oo dhinaca koonfureed waxyar ka xigta magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka.

Sida ay sheegeen saraakiisha gurmadka deg degga ah Stephen Scalise ayaa laga xabadda looga dhuftay  Sinta xilli isaga iyo xubno kale oo ka tirsan sharci dejinta Mareykanka ay isku diyaarinayeen cayaar baseball-ka ka tirsan oo sanadle ah taas oo la qorsheeyey inay khamiista dhacdo. Waxaa la sheegay in xaaladdiisu tahay mid degan.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan shan qof oo kale la dhaawacay. Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa ka mid ah kaaliyaha Scalise iyo xubno ka shaqeeya xarunta congress-ka ee Capitol Hill.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaareen rasaas ay booliiska ku fureen.

“Waxaan aad uga walaacsanahay musiibadan. Waxaa qalbiyadeena iyo ducadeenu la jirtaa xubnaha congress-ka, shaqaalahooda, booliska Capitol iyo dadka caawinaya” ayuu Trump ku sheegay bayaan uu soo saaray.