Xildhibaanada Baarlamaanka oo diiday Canshuur wasaaradda Maaliyadda kusoo rogtay

294

Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Baarlamaanka Federal-ka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in xildhibaanada Baarlamaanku ay diideen inay bixiyaan canshuuraadka ay kusoo rogtay wasaaradda Maaliyadda.

Warbaahinta Ummaddamedia ayaa waxaa ay xaqiijin kartaa in wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu isbuucii lasoo dhaafay uu warqad u qoray guddoonka Baarlamaanka  si uu  kaga codsado in xildhibaanada ay u bixiyaan canshuuraadka daqligooda taasi oo wax tar u leh dhaqaalaha dalka.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo magiciisa qariyay ayaa inoo sheegay in xildhibaanada ayaan canshuuraadka bixin doonin  ilaa inta laga helayo Sharciyad u ogolaanaysa in laga dhaafo miisaaniyadda dhexe ee ay meel mariyeen Baarlamaanka Soomaaliya.

XIGASHO: Ummaddamedia.com