Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta cod u qaadaya Miisaaniyadda 2018-ka (Sawiro)

146

Kulanka xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta markale ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta ee xildhibaanada Baarlamaanka ayaa  Waxaa Shir Guddoominaya Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad Golaha Shacabka  Cabdiwali Ibraahim Sh. Muudey.

Xildhibaanada kulanka maanta soo xaadiray ayaa waxa ay tiradoodu gaaraysaa 161 Mudane

Ajendaha Kulanka Maanta:

1. Akhrinta 3-aad iyo u codeynta Miisaaniyadda 2018
2. Akhrinta 1-aad Hindise Sharciyeedka Dib-u-eegista Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida & Hay’adaha Qaab Ciidameedka leh “Sharci Lr.6 31-ka Oktoobar 1969”