Xildhibaanada Baarlamaanka oo Muqdisho lagu dhaarinayo

248

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Ciidanka Booliska maanta waxaa lagu wadaa in lagu qabto Munaasabad lagu dhaarinayo xildhibanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda lagu dhaarinayo xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

Xildhibaanada Labada Aqal ee lagu soo doortay Magaalooyinka Maamul Goboleedyada ayaa dhamaantood waxa ay soo gaareen Magaalada Muqdisho, si loo dhaariyo, loona gudoonsiiyo shahaadooyinkooda aqoonsi.

Dhaarintan ayaa waxaa la filayay inay dhacdo 15 kii bishan, taasi oo horay ay ugu heshiyeen Hogaamiyaasha Madasha Qaranka.

Wadooyinka muhiimka u ah isu-socodka qaadiidka iyo dadwaynaha ayaa gebi-ahaanba xiran, waxaana wadooyinka lagu arkayaa ciidanka dowladda oo meel walba kaga sugan magaalada, kuwaasi oo ka qayb-qaadanaya sugidda ammaanka