Xildhibaanada oo barri go’aan ka gaaraya wasiirka Dastuurka

165

Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maalinta berri kulan ka leh go’aan ka gaarista arrinta  Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil, kaasoo muran ka dhex galay Baarlamaanka dhexdiisa.

Fariimo qoraaleed loo diray Xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu wargeliyay in maalinta berri oo ah Arbaco, Taariikhduna tahay 2 bisha August inay soo xaadiraan kulanka guud ee golaha shacabka.

“Mudane Xildhibane, berri oo ah Arbaco Tr. 02/08/2017 Saacadda: 09:00am waxaa jira kulanka guud ee golaha shacabka. Ajendaha: ka doodista iyo go’aan ka gaarista Wasiirka Arrimaha Dastuurka”ayaa lagu yiri fariimo qoraaleed Xafiiska Guddoonka Golaha shacabka u diray Xildhibaanada.

Guddiga Joogtada ee golaha Shacabka  ayaa la filayay inay go’aan ka gaaraan Arrinta Wasiirka, inkastoo go’aan ka gaaristiisa ay soo hor-dhigeen kulanka Guud ee Golaha shacabka oo maalinta barri ah  ay  ka doodi doonaan xildhibaanada Baarlamaanka.

Wasiir Xoosh ayaa la sheegay in  xilligan uu ka maqan  yahay dalka isagoo la sheegay in xaalad caafimaad u aaday dibadda.

Lama  oga  go’aanka Baarlamaanka uu qaadan doono, hase ahaate waxaa arintan ay tahay mid aan kusoo aadin waqti munaasab ah, sida ay qabaan siyaasiyiinta qaar ayagoo sheegaya in xiligan aysan ahayn waqti baarlamaanka iyo golaha fulinta ama xubin ka tirsanba ay is qabqabsadaan.

Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa maalmihii la soo dhaafay qoraalo uu soo dhigayay bartiisa bulshada ku weerarayay Baarlamaanka, taasoo xiisada u dhaxeysa wasiirka iyo Baarlamaanka sii murjisay..