Xildhibaano Iyo Waxgarad Ku Howlan Joojinta Dagaalka Deefow

239

Odayaal  iyo waxgarad  kusugan Magaalada Beledweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan,ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan sidii loo joojinlahaadagaalada soo laalaabtay ee ka dhacay deegaano hoosyimaada Gobolka gaar ahaan  deegaanka Deefow.
Dhanka kale Xildhibaano kusugan Muqdisho ayaa iyana wada dadaalo ay ku doonayaan sidii aysan u soo laabanlahayn dagaalada ka dhaca
Deefow,Xildhibaan Daahir Amiin,oo ah gudoomiye ku xigeenka guddiga arimaha gudaha iyo Maamul U samaynta Baarlamaanka,ayaa ugu yeeray in ay wax laga xumaado tahay in ay wali dad walaala ah ay ku dagaalamaan deegaanka.
Dhawaan madaxweyanaha Wadanka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo gobolka tagay ayaa Dadka reer Hiiraan waxa uu marti soor ahaan ugacodsaday in aysan soo laaban dagaalka u dhaxeeya  laba beel oo gobolka wada dega taasi oo hadda muuqata in aysan hirgelin