Xildhibaano ka tirsan 2 Aqal ee Baarlamaanka oo maalmahan Cadaado ku sugnaa oo war kasoo saaray arinta Galmudug

175

War-murtiyeed ka kooban Saddex bog ayaa laga soo saaray khilaafka ka dhex jira Madaxda sare ee maamulka Galmudug, kadib wada hadal shalay ilaa maanta u socday xildhibaano Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan oo Cadaado gaaray iyo Madaxda Galmudug.

Xildhibaanada ayaa waxa ay war-murtiyeedka ay soo saareen ku sheegeen in Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu ogolaaday khilaafka in lagu dhameeyo wada hadal, balse Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenka labaad ay diideen.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen in masuuliyiin sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya iyo dad u adeegaya si qaawan ay faragelin ugu sameeyeen duminta maamulka Galmudug.

Hoos ka akhriso warmurtiyeedka