Xiliga la qabanayo doorashada Aqalka Sare ee gobalada Woqooyi oo la shaaciyay

347

Doorashada Aqalka Sare ee xubnaha matalaya deegaanada maamulka Soomaaliland ayaa la shaaciyay xiliga ay dhici doonto.

Guddiga Doorashooyinka Dadban heer maamul-gobaleed ayaa shir jaraa’iid oo ay maanta ku qabteen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku sheegeen in doorashada Aqalka Sare ay dhici doonto 24 bishan aynu ku guda jirno ee December.

Gudiga doorashooyinka gobolada waqooyi ayaa sheegay in hadda meel wanaagsan ay marayso doorashada xildhibaanada matalaya deegaanada waqooyiga Soomaaliya.

Doorashada sanadkaan ayaa marar badan waxaa ku yimid dib u dhac, waxaana dib u dhacyada ay sababeen iney niyadjab dareemaan shacabka iyo musharixiinta tartameysa.