Xilka Qaadis Lagu Sameyay Gabi Ahaan Xubnihii Maamulka Afgooye

213

Wareegto ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dowladda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa waxaa xilalka looga xayuubiyay dhamaan xubnihii Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Xil ka qaadistan oo ah tii u horeysay oo xilal dhan looga qaado maamul degmo ayaa loo cuskaday qodobo kala duwan oo ay ugu weyn tahay xaga amniga, iyadoo xubnaha xilalka laga qaaday la faray in xilalkooda ku wareejiyaan xubnaha cusub ee la magacaabay.

Gudoomiyihii degmada Afgooye C/llaahi cabdi Axmed (Iidey), Gudoomiye kuxigeenkii dhinaca siyaasada iyo nabadgelyada Mahdi Axmed Xasan, xoghayaha dowladda hoose iyo qaar ka mid ah xubnaha maamulkaas ayaa gebi ahaanba xilalka laga qaaday.

Inkastoo wareegtadan aan si dhameystirin u helin, hadana waxaa la faray Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Laamaha ammaanka inay ka qeyb qaataan fulinta xil wareejinta maamulka cusub iyo maamulkii hore

Sidoo kale waxaa wareegtada lagu magacaabay Gudoomiyaha cusub ee degmada Afgooye ayaa loo magacaabay nin magaciisa lagu soo gaabiyay Xaaji Gaabow, Kuxigeenka degmada ayaa waxaa loo magacaabay Xuseen Jibriil, halka Taliyaha dowladda hoose ama Munishiibiyada loo magacaabay Cismaan Carab.

Wixii Faahfaahin Waxaan Ku Soo Gudbin Doonaa Wararkeena Dambe