Xilliga la dhaarin doono Xildhibaanada oo la shaaciyay

478

Maamulka Baarlamaanka Federaalka ee waqtigiisu dhamaaday ayaa caawa shaaca ka qaaday xilliga rasmiga ah ee ay dhaceyso munaasabada furitaanka Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka 10aad iyo dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Labada Aqal ee Soomaaliya, taasi oo horay u baaqatay.

15-kii bishan ayaa waxaa dib u dhac ku yimid mudadii horay loo asteeyay in la dhaariyo Xildhibaanada, sidoo kale waxaa iyana baaqday doorashadii Guddoonka Baarlamaanka oo iyana ku beegneyd 22-ka bishan

Xoghayaha Guud ee Maamulka Baarlamaanka Federaalka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), ayaa caawa magaalada Muqdisho, ka sheegay in maalinta talaadada soo aadan ee taariikhdu ay tahay 27-ka December ay dhaci doonto munaasabadda furitaanka kalfadhiga 1aad iyo dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya.

“Si waafaqsan qodobka 66aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka Federaalka iyo warqadda ku taariikheysan 19-ka December 2016 ee guddiga heer Federaal doorashooyinka dadban ee 2016 ku soo saaray natiijada
Xildhibaannada ku guulaystay xubinnimada labada aqal ee Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya waxaan ku wargelinaynaa Xildhibaannada Baarlamaanka in munaasabadda dhaarinta lagu qaban doono xarunta Akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Waxaa uu ka codsaday Xildhibaanada cusub inay horay u soo qaataan kaararkooda aqoonsiga, si ay ugu fududaato ka qeyb galka munaasabada.

Hase ahaatee waxaa jirta shaki laga qabo in mudada cusub ee uu shaaciyay Maamulka Baarlamaanka Federaalka waqtigiisa dhamaaday inay ku qabsoomi weyso munaasabada dhaarinta Xildhibaanada cusub ee labada Aqal, waxaa wali taagan qodobo aan xal laga gaarin oo sabab u ahaa dib u dhacyada ku yimid doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.