Xiriirka Dowladda masar iyo Soomaaliya oo dib u billaawday

322

Dowladda Masar ayaa dhawaan safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya, kaas oo waraaqihiisii aqoonsiga uu ka aqbalay Madaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Danjiraha Masar oo layiraahdo  Waliid Ismaaciil, ayaa shirjaraaid oo uu Mugadishu ku qabtay kaddib markii uu booqasho lama filaana ku tegey magaalda Afgooye ayaa waxaa uu uga warramay suxufiyiinta xiriirka faca weyn ee Masar iyo Soomaaliya iyo halka uu haatan marayo, waxaa uu sheegay Danjire, Waliid Ismaaciil, in ay si deg deg ah masar dib u billaabeyso dhammaan xiriirkii waxbarasho ee oomaaliya iyo masar ayagoo ku billaabaya dib u howlgelinta iskoolkii Jamaal C/naasir iyo Machadyadii Al-azhar ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sheegay, safiirku in ay qayb weyn masar ka qaadan doonto dib u soo nooleyntii ciidamada Soomaaliya iyagoo u fidin doona waxbarasho iyo tababarab, isagoo intaasi ku daray in ay dhawaan ugu deeqeen ciidamada Soomaaliya dhar iyo qalab ciidan oo badan.

Waxaa safiirka Masar uu yiri “Waxaad arki doontaa mar dhaw masar iyo Soomaaliya oo aad isaga kaashanaya Ganacsiga iyo Beeraha”

Waxaa warka safiirku ku soo aadaya, toddobaadyo kaddib markii uu horey u soo saaray Madaxweynaha Masar alsiisi go’aan ardada Soomaaliyeed loola mid dhigayo kuwa masar , iyadoo islmaarkaasna masar ay kordhisey, deeqdii waxbarasho ee ardada Soomaalida.

Daneynta Masar ee Soomaaliya ayaa waxaa ay imaaneysaa kaddib markii ay dalal badan oo reer galbeedka iyo Afrikaba ay muujiyeen sida baaxadda weyn ee ay u daneynayaan Soomaaliya.

Dadka taageera carabnimada Soomaaliya ayaa aad u soo dhaweeyey dardar gelinta xiriirka cusub ee masar iyo Soomaaliya iyadoo isha lagu hayn doono waxa masar ay u qaban doonto Soomaaliya.