Xiritaanka Wadada Maka Al Mukarramah iyo Khasaaraha Ganacsi ee ka Dhasha

716

Cabdinuur Maxamed Axmed

Xiritaanka waddada Maka Al Mukarrama ayaa ahayd mid soo noqnoqota muddooyinkii dambe kaddib markii ay Muqdisho nasiib u yeelatay sanado badan kaddib martigelinta shirkii Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD. Sidoo kale caasimadda waxay soo dhaweysay Madaxweyneyaasha Turkiya iyo Jabuuti taas oo maqaamka magaalada sare u qaadday.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Amniga Qaranka oo iga codsaday inaan magaciisa isticmaalin ayaa ii sheegay in xiritaanka waddadan iyo waddooyinka kale ee caasimadda looga gol lahaa in la sugo amniga, si dhawna loola socda dhaqdhaqaaqa shacabka iyo gaadiidka, maadaama waayadan dambe ay caado noqotay in weerarro ismiidaamin ah lala beegsado hoteello gaar loo leeyahay iyo xarumaha dowladda.

Xayiraadaha waddadan halbowlaha u ah ganacsiga magaalada ayaa khasaaro xooggan wuxuu ka soo gaaray ganacsatada maalgashaday goobaha ganacsi ee ku teedsan labada dhinac ee waddadan, gaar ahaan inta u dhaxeysa Lambar Afar ilaa taallada Sayidka oo inta badan loo xiro fadhiyada Baarlamaanka iyo booqashada wufuudda ajnabiga ah.

Liibaan Daahir wuxuu sanadkii 2012 kusoo laabtay magaalada Muqdisho si uu u maalgashado ganacsi u gaar ah. Wuxuu Waddada Maka Al Mukarrama ka furay meherad markii dambe noqotay mid la isku far fiiqo oo sameysa cabitaanno kala duwan. Mararka qaar waxaa saf dheer loo geli jiray Mr. Furutto si koob cambo, babaay, canuuni ama liin ah mar un dibnaha loola heli lahaa, dhuunta iyo laabtana looga harraad tiri lahaa oonka iyo kuleylka cimilada qorraxda ee Muqdisho awgeed.

“Maanta waxaa adag in dadkii macaamiisha noo ahaa oo qaar ka imaan jiray meelo fog sida waqooyiga magaalada ay soo gaaraan dukaamadeenna  mataanaha ah ee Mr. Furutto iyo Fururtto Furruto oo labaduba haatan aan soo saarin wax faa’iido ah.” ayuu yiri Liibaan oo dadka intiisa badan ay ugu yeeraan ‘Liibaan Furutto’.

Xirnaashaha waddada Maka Al Mukarrama ayaa dhaawac weyn gaarsiisay ganacsato badan oo si joogto ah u bixiya canshuuraha Wasaaradda Maaliyadda iyo tan Dowladda Hoose, biilal koronto oo qaali ah iyo kiro laga hormarsaday ugu yaraan sanad.

“Bishii Febraayo oo inteeda badan aan xirnay goobaheenna ganacsi ayaa kan ugu yar waxaa nalaga qaaday lacag kor u dhaafeysa $500 oo isugu jirta koronto, canshuurta Dowladda Hoose, midda degmada iyo tan Wasaaradda Maaliyadda oo aysan ku jirin mushaarka shaqaalaha iyo kirada.” ayuu hadalkiisa ii raaciyay isagoo madaxa lulaya. Ma aha kaliya macaamiisha oo yaraatay ee waxaa jira in qudaartii iyo mirihii kale ee loo keeni jiray ay mararka qaar adkaato in la soo gaarsiiyo, maadaama isu socodka dadka la hakiyo.

Dhanka kale, dukaamada ugu caansan waddadan waxaa ka mid ah dukaanka macmacaanka lagu iibiyo ee Sahan oo ay qulqulka macaamiisha aad ugu badnaayeen intii aysan noqon waddadan mid mar walba xayiraad la dul dhigo.

“Dadka naga dukaameysta intooda badan waxay wataan gawaari. Waxaa kaloo ka mid ah ajaanib aan lugeyn karin amni-xumada dalka ka jirta awgeed. Haddii marka waddadan mar walba la xiro sidee dadkaas noogu imaan karaan?” su’aashaas waxaa dib iigu soo celiyay Maslax Xuseen Kaahiye oo aan wax ka weydiiyay inta ay la egtahay dhibaatada dhaqaale ee kasoo gaarta xirnaashaha waddada Maka Al Mukarrama. Maslax wuxuu intaas ku daray in hoos u dhac weyn uu ku yimid dadkii u soo dukaameysi tagi jiray.

“Waxaan ka codsaneynaa laamaha amniga qaranka iyo kuwa gobolka in dhibaatadan na heysata ay xal u helaan, maadaama waddadii oo xiran haddana mar walba qaraxyo  ay dhacaan oo isbeddel muuqda uusan jirin.” ayuu yiri Maslax oo ah maamulaha dukaanka Sahan ee macmacaannada.

Sidaa si la mid ah waxaa dhankiisa Xaqiiqa Times u sheegay suuq xumada ku dhacday Fu’aad Cabdullaahi oo ah  maamulaha maqaaxida Coffee House oo u dhaw xarunta Otto Otte ee isla waddadan Maka Al Mukarrama, aadna ugu dhaw Aroma Coffee oo gabi ahaanba albaabbada la isugu dhuftay markii qarax lala beegsaday.

Inkastoo dhaqaale ahaan aysan dhib mooyee dheef ku qabin xirnaashaha waddadan ayuu haddana geesta kale sheegay in gawaaridii qarxi jirtay ay joogsadeen kaddib xayiraadihii waayadan saarnaa waddadan. Waxayse dhibaato weyn ka soo gaartay xirnaashaha waddada oo sababtay in saddexdii bil ee la soo dhaafay ay jeebkooda ka kabaan maqaaxidan oo waqtiyada qaar ahaan jirtay mid aan kursi laga helin oo mashquul badan.

“Shirkii Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD, booqashadii Recep Tayyip Erdogan iyo tii u dambeysay ee Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle waxaa na soo gaaray khasaare 75 boqolkiiba ah. Waxaa khasab nagu noqotay in lacagihii bilihii hore dhigaalka noo ahaa aan dib u soo saarno si ganacsiga aan u badbaadsanno.” ayuu Fu’aad ii raaciyay.

Fu’aad ayaa sidoo kale cabasho ka qaba lacagta canshuuraha ah ee lagu soo rogay oo aysan beddelkeeda helin wax adeeg ah sida in waddooyin lagu dhiso, in goobo caafimaad lagu howlgeliyo ama in amniga si hagaagsan looga shaqeeyo. Sidoo kale wuxuu Fu’aad Xaqiiqa Times u sheegay in marar badan ay ku fikireen inay ka aag beddeshaan waddadan maadaama xilli walba ay xiran tahay, balse kirada iyo kharashka kale ee ay galiyeen Coffee House oo aad u badan darteed aysan u saamaxeynin inay si sahlan uga guuraan.

Wuxuu rajo ka muujiyay in 10kii casho ee tagtay oo ay waddada furneyd ay dareemeen isbeddel dhanka faa’iidada ah, maadaama macaamiishii gawaarida ku iman jirtay ay heleen waddooyin ay soo maraan. Fasaxa uu galay Golaha Barlamaanka oo xaruntiisa dhawr boqol oo tallaabo ay u jirto meheradooda ayaa yareysay xannibaaddii waddadan ku imaan jirtay.

Inkastoo guud ahaan ganacsiga Muqdisho uu ku tiirsan yahay labada suuq ee Bakaaro iyo Suuq Bacaad,  haddana xiyiraadaha waddadan waxay dhaawaceysaa ganacsatada yaryar ee quutul-yoomka ka raadsada sida uu qabo Isxaaq Cabdi Cabdullaahi oo ah dhaqaalyahan,  barena ka ah qaar ka tirsan jaamacadaha Muqdisho. “Dhowr maalmood haddii uu ganacsiga istaago waxaa ka dhalaneysa inay isbixin waayaan dhaqaalaha la geliyo iyo waxa kasoo baxa, waxaana imaaneysa in ugu dambeyntii la xiro, taasoo dhaawac ku ah qoysaska danyarta ah ee nolol-maalmeedkooda ka soo saarta ganacsiyada waddadan ka furan.” ayuu yiri Isxaaq.

Si kastaba ha ahaatee waxaa mar walba khasab ah in laga fekero amniga caasimadda si muwaadin walba uu u helo nebedgelyo uu ku soo dhacsado nolol-maalmeedkiisa. Balse qaabka hadda amniga loo sugo ayaa u baahan in wax laga beddelo, maadaama uu burburinayo ganacsiyo laga biilo kumannaan qoys oo Soomaali ah, shaqo abuurna u ah dhallinyaro badan oo haddii aysan fursaddan helin si khaldan looga fa’iideysan karo.

Xayiraadaha waddooyinka ma aha qaabka kaliya ee amniga lagu xasilin karo. Laamaha amniga waa inay hal gacan ku qabtaan dadka amni-darrada ku lugta leh, gacanta kalena ay ku caawiyaan shacabkooda si ay isku duubni, is aaminid  iyo wada shaqeyn dhab ah u dhex marto.

 

Coffee House Frutto FruttoSahan Sweets oo haawanaya macaamiil la'aan dartee