Xirriir cusub oo u billowday Soomaaliya iyo Mareykanka waa maxay sababtu?

331

Markii ugu horeysay muddo dhowr iyo labaatan sano ah laga soo billaabo burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa madaxweynaha Markeykanka wuxuu waraaqihii aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona magaaladda Washington danjire Cumar Cabdirashiid waana nin uu dhalay madaxweynihii 2-aad ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharma’ake.

Dadka siyaasadda indha indheeya ayaa waxa ay u arkaan sida deg degta ah oo muddo bil ka yar waraaqaha aqoonsiga looga guddoomay in ay tahay arrin lama filaan ah, waxaana ay diplomaasiyiintu sheegayaan in soo dhaweynta iyo hab maamuuska loo sameeyay Cumar Cabdirashiid ay astaan u tahay sida Maraykanku u daneynayo Soomaaliya, iyadoo ay jirto danjireyaal kale oo Afrikaan ah oo muddo 6-billood ka badan ay mararka qaarkood ku qaadato in Mareykanku uu ka guddoomo aqoonsiyadooda ayaa aad loolayaabay sida aan dib u dhaca laheyn ee uu Maraykanku ku qaabilay danjiraha cusub ee Soomaaliya, balse waxaa su’aalo badan la iska weydiinayaa halka uu danjiruhu ku hawlgeli doono maadaama aysan jirin safaarad iyo hoy sugun oo ay Soomaaliya ku leedahay Washington, waxaase shaki ku jirin haddii Soomaalida ku nool waqooyiga Ameerika isku tashtaan inay dib u soo celin karaan safaaraddii Soomaaliya ay ku lahayd wadankaasi oo horey loo iibsay.

Sidoo kale dadka siyaasadda ka faaloodda ayaa isweydiinaya waxa ay tahay danaha Maraykanku ka leeyahay Soomaaliya, balse khuburradu waxa ay leeyihiin Soomaaliya ayaa haatan ah wadanka Afrikadda bari ee Mareykanku ugu daneynta badan yahay waxayna sabab uga dhigayn Soomaaliya oo uu shidaal badan ciigaago islamarkaana Maraykanku ka leeyahay dano istaraatiijiyadeed iyo Maraykanka oo ay ka go’an tahay ladagaalanka waxay ugu yeeraan argagixisadda caalamka.

Hadaba Soomaaliya maka faa’iideysan doontaa u heelanaanta Mareykanka danjiruse maka shaqeyn doonaa horrumarinta xirriirka cusub ee Soomaaliya iyo Mareykanka si uu ugu guuleysto hawlihiisa diplomaasiyaddeed. Taageero dhaqaalese maka heli doonaa Cumar Cabdirashiid dawladda Soomaaliya mise wuxuu xaalkiisu noqon doonaa sidii safiirkii loo magaacay Britain oo boqoradda wadankaasi ka guddoontay waraaqihiisii aqoonsiga danjirenimo balse markii dambe ku shaqeyn waayay dhaqaale xumo awgeed dibna Soomaaliya u xasuusiyay inay weli ku jirto guuldarooyinkii diplomaasiyaddeed ee dalku la kulmayay tan iyo xilligii madax banaanida ay qaadatay sanadkii 1960-kii?