Xog-hayaha guud ee QM oo lagu wado in maanta uu soo gaaro Moqdisho

230
Antonio Guterres xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay
Antonio  Guterres  xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay
Antonio Guterres
xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay

Waxaa Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay  soo gaaraan wafdi  uu hogaaminayo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres .

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa lagu wadaa Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya in uu la kulmo , islamarkaana uu kala hadlo Abaaraha baahsan ee ka jira Soomaaliya.

Maalmo ka hor ayuu sheegay in uu booqan doono Qaarada Afrika , waana Safarkii ugu horeeyay ee uu ku imaanayo Afrika tan iyo Markii la doortay 1-dii January 2017.

Safarkiisa ayaa ku qotoma wax ka qabashada Abaaraha ka jira Qaarada Afrika oo maalinba maalinta ka dambeysa kasii daraya.

Shalay ayay ahayd  markii magaalada Moqdisho uu soo gaaray madaxada gargaarka Qaramada Midoobay Stephen O’Brien kaasi oo sheegay in 5.5 qof oo soomaali ah ay u baahan yihiin gar-gaar deg deg ah.