Xoghayaha arimaha dibadda UK oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho

250

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Britain Boris Johnson ayaa saaka socdaal lama filaan ah ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya

Socdaal Mr Johnson ee Muqdisho ayaa la xiriira arrimo dhowr ah oo ku saabsan taageerida Somalia, gar gaarka sama falka iyo shirka London ee looga hadlayo arrimaha Somalia ee bisha May dhici doona.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa intaas ka dib xoghayaha kula kulmay xarunta madaxtooyada sida ay wararku sheegayaan.

Britain ayaa ka mid ah dowladaha safaaradooda dib uga furay Muqdisho, iyadoo safiir u soo magacaabay.

Afartii sanno ee dambeeyay Xoghayayaashii Arrimaha Dibadda Britain ayaa socdaalo xiriir ah ku imaanayay magaalada Muqdisho, waxaana Britain ay xoojisay xiriirkeeda Soomaaliya.