Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyay Xoghayihii Joogtada ee KMG ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim.
Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay shaqo joojinta ay ka dambeysay, kaddib cabasho ka timid shaqaalaha wasaaradda, xadgudub hanaanka shaqada iyo wado shaqeyn la’aan, iyo arrimo kale oo lagu eedeeyay Xoghayaha Joogtada Mr Yaxye Cali Ibraahim.
Dhanka kale wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha ayaa isaguna war soo saaray oo shaqo joojinta xoghaye Yaxye Ku tilmaamay mid sharci darro ah
Hoos ka akhriso