Xornimada Soomaaliya: 54 jir fadhiid ah!

536

calanka

 

 

W.Q: Caarif Yuusuf

Muddo laga joogo 54 sano ayaa Soomaaliya waxay xornimadeeda ka qaadatay gumeystihii Reer Galbeedka oo kala ahaa; Talyaaniga oo gumeysanayay koonfurta xilligi uu Fajiistaha   xukamayay Talyaaniga, waqooyiga Soomaaliyaoo ay gumeysanaysay boqortooyadii Britain.
June 26-dii, sanadkii 1960-kii ayay Soomaalidii waqooyi xorriyadda ka qaadatay Britain, markaas oo calanka buluugga ah markii ugu horreysay laga taagay magaalada Hargeysa.
Koowdii Luulyo ee isla sanadkaas ayaa magaalada Muqdisho calanka buluuggaah isna laga taagay. Isla habeenkaas waxaa lagu dhawaaqay in Soomaalidii waqooyi iyo koonfur ay  midoobeen, isla markaana ay dhisteenqaran xor ah oo la magac-baxay Jamhuuriyada Soomaaliya.
Meel kasta oo ay joogeen dadka Soomaalida ah waa lagaa dabaaldegay, si farxad lehna waa looga soo dhoweeyay curashada jamhuuriyadda iyo taagista calanka buluugga ah ee dhexda ku leh xiddiga shanta gees leh.
Haweenka ayaa buraanburay, ragguna way u heeseen, iyadoo ay qaarkood u ciyaar-tumeen, una duceeyeen. Suugaan aad u badan oo kala duwan ayay farxaddaas ku muujiyeen abwaannadii Soomaalida ee xiligaas, taas       oo  u baahan in dib loo milicsado, waxaana ugu caansanaa geeraarkii abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde ee uu hal-dhiggiisu ahaa Kaana siib, kanna saar oo uu tiriyay markii la siibayay calankii gumeystaha ee la suray   kan  bilicda san ee Soomaaliya Dadka Soomaaliyeed waxay filayeen in barwaaqo la helayo oo qof kasta uu dhergayo, kuna tamashleynayo guri, gaari iyo nolol raaxo leh.

Waxaa lagu hamminayay inay Soomaalidu buuxin doonto xarumaha iyo xafiisyada uu banneeyay gumeysiga ayna qaban doonaan shaqooyinkii uu ka tagay.
Hase yeeshee inyar kaddib markii la xoroobay ee xukunka lagala wareegay isticmaarka waxaa billowday isqabqabsi iyo sadbursi u dhexeeya Soomaalidii awoodda la wareegtay, rag gaar ah ayaa lagu tuhmay inay          jagooyinkii isku koobeen iyagoo riixayay walaalahoodii kale ee Soomaaliyeed, halka kuwa kale ay ku qamaaameen beerihii waaweynaa ee uu Talyaanigu faarujiyay iyo hantidii qaranka u dhaxeysay, waxayna u   dhaqmayeen sidii caddaankii, qaar
kalena waxay degeen aqalladii qurxoonaa ee gumeysiga ee ay ka
shaqeynayeen, arrimahaas ayaa waxaa ay cirka ku shareereen khilaafkii u dhexeeyay Soomaalida, danyartii barwaaqada sugeysay ayuu durba niyadjab ku dhacay.
Abwaannada ayaa dareenkoodii
ku muujiyay dhibaatadaas; aan tusaale u soo qaadanno tix uu curiyay abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) oo ahayd:
Dambi ku hadli maayee ma arag
dawladdaan rabaye,
   Isma doorin gaalkaan diriyo
  daarta kii galaye,
  Dusha midabka Soomaali baad
  dugulka mooddaaye,
  Misna laguma diirsadee qalbigu
  waa dirkii Karal’e
  Meeshaan dad aan ururshiyo
  dirir ka eegaayay,
  Iyaba waa darxumo ii hadhaye
  dacar miyaan leefay,
  Ma darraato raadkaan dhigaan
  dib ugu soo laabtay,
  Sidii aan dayaysnahay miyaan
  dawgii ka habaabay!
  Sidoo kale, Allaah ha u naxariistee
  abwaan Cabdi Muxumad Ammiin
 ayaa isaguna yiri:
  Dadkii nala gudboonaa, dayaxuu
  u guuraye
  Nin qabiil gargaarsaday, meella
  gaari maayee
  Guuleysteyaal geeddiga wadaay!
  Isticmaar gaboobiyo, midka
  haatan soo galay
  Wixii nala gudboonaa, uga
  gaabsan meynee
  uuleysteyaal geeddiga wadaay!
  Innagaa go’aankiyo, libta gaari
  doonnee
  Gablada iyo dhaantada, ku
  garaacan doonnee
  Guuleysteyaal geeddiga wadaay!
  Abwaan Cali Sugulle hees uu
  tiriyay waxaa iyana ku jirtay:
  Waanu daallanahee
  Ha naloo dagooy
Markii ugu horreysay waxaa madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Aadan Cabdulle Cismaan oo loo yaqaannay Aadan Cadde, si hufan oo aan la illoobi karin, oo waddaniyad, dareen dadnimo iyo daacadnimo ay ku  dheehan tahay ayuu waajibkiisii uga soo baxay ilaa sanadkii 1966-kii,
wuxuuna markaas kaddib si sharaf leh xilka ugu wareejiyay madaxweynihii xigay ee doorashada uga adkaaday Cabdirashiid Cali Sharma’arke.
Aadan Cadde wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee xilka u wareejiya si dimoqraaddi ah. Balse nasiib-darro madaxweynihii labaad waxaa 1969-kii lagu dilay shirqool.
Taariikhda waxay noo caddeyneysaa inuu Cabdirashiid ku dedaalay sidii ay Soomaaliya horay ugu socon lahayd oo ay u yeelan lahayd ciidan xoog leh oo ka hor taga cadowga gudaha iyo kan dibadda.
Wuxuu madaxweyne Cabdirashiid ugu dambeeyay dowladihii rayid ahaa oo muddo 9 sano ah xukunka isaga dambeeyay xornimadii kaddib. Waxaa dhankooda jiray dhaliilo loo jeedinayay dowladahaas rayidka
ah.
Abwaan lagu magacaabi jiray Aadan Carab oo muujinaya sidii
loogu hungoobay dowladihii xukunka qabtay markii gumeysiga laga
xoroobay, wuxuu yiri:
  Sidii baan madow ugu jiraa
  maato iyo ruuxe
  Sidii baan tacliin uga madhnahay
  mac’hadka diineede
  Sidii buu dalkii naga maqnaa
  muran u joogaaye
  Bal muxuu maciinoo i taray
  ministarkaan doortay?
Si kastaba ha ahaatee, 1969-kii waxaa taladii la wareegay saraakiil uu hor kacayay sarreeye-gaas Maxamed Siyaad Barre oo xiligaas
ahaa taliyaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
21-kii October, 1969 ayaa lagu dhawaaqay Golaha
Sare ee Towrada oo ay dadka qaar u
yaqaannaan Kacaankii October.
Waxyaabaha qasbay in uu milateriga xukunka la wareego waxaa sida la xaqiijiyay ka mid ahaa; in kaddib dilkii madaxweyne Cabdirashiid uu siyaasiyiinta dalka oo xisbiyo kala duwan ka tirsanaa ka dhex aloosmay muran      ku saabsan ciddii beddeli lahayd madaxweynaha. Rag uu ka mid ahaa Xaaji Muuse Boqor oo ay xigto ahaayeen Cabdirashiid ayaa u istaagay in ay xilkaas buuxiyaan, hase yeeshee ma aanay suuragelin.
Afgambigii milateriga oo ahaa mid aanu dhiig ku daadan wuxuu noqday isbeddel ay dadka Soomaalida ah farxad ku soo dhoweeyeen, si aad ah baana loogu mashraxaday oo suugaan kala duwan loogu tiriyay.
Muddo 21 sano ah oo uu talada haayay wuxuu milatariga ku tallaabsaday horumar aan la dafiri karin, sida; qoristii far-Soomaaliga, warshadihii tirada badnaa ee dalka laga hirgaliyay, waxbarashadii oo sare loo qaaday iyo    waxyaabo kale oo badan.
Nasiib-darro markii uu xukunka ku raagay, isla markaana uu sanadkii
1977 Itoobiya la galay dagaal aad u qaraar oo aan hiil loo heysan ayaa in badan oo ka tirsan waxqabadkii Kacaanka waxaa ku yimid burbur
markii dambe soo afjaray cimrigiisii.
Jabhado qabaa’il ku saleysnaa ayaa hubka qaatay, jabhadahaas oo xarun
ka dhigtay dalka Itoobiya waxaa ka mid ahaa SSDF, SNM iyo USC.
Dagaal sokeeye ayuu dalka galay wixii ka dambeeyay markii la riday
dowladdii milateriga ahayd sanadkii 1991-kii, qaran-jabkaas waxaa laga
dhaxlay bililiqo, barakac iyo baaba’ dhan kasta leh oo gaaray xarumihii danta guud iyo dhismeyaashii gaarka loo lahaa.
Shirar dib-u-heshiisiineed oo dhowr jeer fashilmay oo loo qabtay ururradii siyasaadeed ee qabaa’ilka ku dhisnaa ee is barbar-yaacayay waxaa ugu dambeyntii lagu dhisay dowlad KMG ah oo ay markii dambe beddeshay     dowladda federaalka ah ee hadda jirta.
Su’aasha taagan ayaa waxa ay tabay 54 sano kaddib halkee ayay
mareysaa Soomaaliya?
Calankii buluugga ahaa waxaa beddelay calallo badan oo midabbo kala duwan leh oo ay babinayaan maamullo ay ka mid yihiin; Somaliland, Puntland, Galmudug, Ximan iyo Xeeb, Jubaland, koonfur galbeed iyo kuwo kale,   marka la fiiriyo tafaraaruqa jira, marka la eego heerka ay gaareen dalalkii ay Soomaaliya isku waqtiga xornimada qaateen iyo kuwii ka dambeeyayba, miyaanay xornimada Soomaaliya ahayn 54 jir fadhiid ah?

www.xaqiiqa.com