Xudur oo daraasiin dad ah lagu qabqabtay hawlgal

200

DagaalyahanWar degdeg ah oo imminka soo dhacay ayaa ku warramaya in ciidamadda dawladda oo gacan ka helaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay soo afjareen hawlgal balaadhan oo ay ka fuliyeen deegaanno dhawr ah oo hoos yimaada magaalada Xudur ee xarunta gobolkaasi Bakool, kaasoo lagu bartilmaameedsanayay dagaalyahanka xarakada Shabaab ee Soomaaliya.

Hawlgalkaasi oo muddo saacaddo ah qaatay ayey ciidamadda isbaheysigu ka sameeyeen duleedka Xudur, waxayna ku soo qabqabteen daraasiin dad ah oo ay weli baaritaanno ku wadaan masuuliyiinta maammulka degmadaasi.

Inta badan dadka ay ciidamaddu qabteen ayaa lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ama ugu yaraan ay xiriir dhow la lee yihiin madaxda sare ee ururkaasi.

Dadka reer Xudur qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgalku ahaa kii ugu weynaa oo ay muddooyinkaani danbe waddajir u fuliyaan ciidamaddu.

Saraakiisha huwanta ayaa hawlgalkooda ku beegay kaddib markii ay ka war heleen in rag Shabaab ah dhaqdhaqaaq ka wadaan agaggaarka Xudur.