Xukun Dil Oo Lagu Riday Mid Kamida Urur Weynaha Al-Qacida

207

Maxkamada kutaala Boqortooyada Sacuudi carbiya ayaa Xukun dil ah waxa ay ku riday Hogaamiye katirsan Urur weynaha Al-Qaacida ee ka dagaalama meelo badan oo dunida kamid ah.

Hogaamiyaha Xukunka Dilka ah lagu riday ayaa lagu Magacaabaa Faris Al-Zahrani , waxaana lagu eedeeyay ninkan in uu ahaa Hogaamiye Koox katirsan Al-Qaacida oo dilal iyo weeraro ka geesatay Gudaha Sacuudiga.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku sheegtay Faris Al Zahrani in uu ahaa Maskaxdii ka dambeesay Weeraro kooxda Al-Qaacida gudaha Dalkaasi ka geesteen sanadihii 2003 illaa 2006.

Qoraal lagu shaaciyey Warbaahinta dowlada Sucuudiga ayaa lagu sheegay in Faris Al Zahrani uu ku adkeystay fikirkiisa mayilka adag iyo difaacida dilalka lala beegsado ciidamada Sucuudiga, arrintaasi oo khatar ku ah amniga dalka hadii xabsiga laga siidaayo, ayaa lagu yiri qoraalka maxkamada Sucuudiga.

Hogaamiyahan katirsan Ururka Al-Qaacida ee Xukunka Dilka ah lagu riday ayaa lagu qabtay magaalada Abha ee koonfurta Sucuudiga sanadkii 2004 xili uu isku dayay in uu ka baxsado Sacuudiga uuna galo Dalka Yaman.