Xukuumada Ra’isal Wasaare Cabdiwali oo kulan wada tashi ah la yeelatay Bulshada qeybaheeda kala duwan

174

Wajiga koowaad ee kulanka wada tashiga Bulshada iyo Dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho ka  furay Ra’isal Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Kulanka ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Degmada Xamar Jajab, waxaana kasoo qeyb galay xubno katirsan golaha wasiirada, maamulka gobolka Banaadir iyo gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo qaar ka mid waxgaradka ku dhaqan gudaha gobolka Banaadir.

Maxamad Aadan Guuleed (caanogeel) ku-simaha gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka arimaha siyaasada, ayaa soo dhaweeyay furitaanka wajiga koowaad ee kulanka wada tashiga Dowladda iyo Bulshada.

Wasiirka Dhilinyarada iyo Isboortiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya, mudane Khaalid Cumar Cali, oo goobta ka hadlah ayaa tilmaamay fikirka wada tashiga Xukuumada iyo Bulshada in uu soo hindisay Ra’isal wasaare Cabdiwali, kadibna uu hor keeenay guddi-hoosaadka arimaha bulshada ee golaha wasiirada, si talada loo gaarsiiyo ayna u qaataan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’isal wasaare Cabdiwali, oo kulanka ka hadlay ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibeddaba ku sugan in ay hormuud ka noqdaan isbedel weyn oo kadhaca magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyn, Ra’isal wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyay in kulanka wada tashiga ee dowladda iyo shacabka uu socon doono lana gaarsiin doono dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Www.xaqiiqa.com