Xukuumadda  mudane Khayre  waqti ha la siiyo ay wax ku xaliso

760

Waxaan soo dhowaynayaa xubnaha Golaha Wasiirada cusub. Anigoo og in awood qaybsiga 4.5 ee  xukumadda cusub dhibaato badan ka iman karto hadii si qaldan loo isticmaalo.

Waxaan wada ognahay in Dawladaha Dariska ah Gaar ahaan Dawlada itoobiya  ay Doonayso in Dawladda Madaxweyne Farmaajo Fashilanto.

Arinka ma aha wax malaawaal ah ee  waa xaqiiqad  jirta..

Waa inaan midnimo muujinaa  ilaahay ka barinaa in Dawladda cusub ku guulaysato in ay Dalka ka saarto dhibaatada Abaaraha,  colaada iyo khilaafka soomaali dhex yaala.

Xilka wasiirku waa masuuliyad Qaran oo weyn  markaa waa in wasiirku ku   fikiraa si Qaran haduu  u fikiro si Qabiil hawshii laga sugayay meel magaarayso.

Shacabka soomaaliyeed  waxaa laga rabaa inay is-taageeraan oo ay u midoobaan sidey dawladooda wax wanaagsan ku taageeraan waxa xuna ka diidaan. Gaar ahaan amniga kala shaqeeyaan xukumada cusub.

Xildhibaanada waxaa laga rabaa inay wadanka shirci  Dajin iyo inay la yimaadaan wadaniyad  waqti kastana ay shaqeeyaan Si shuruud la’aana

Shacabka Soomaaliyeed Baarlamaanku waxaa uu ka sugayaa hawl badan.

Columada iyo aqoonyahanada waxaa laga rabaa inay bulshada tusaan waxa wanaagsan ee  hurumar adoonyo iyo mid aakhiro lagu gaari karo.

Fanaaniinta iyo saxaafada waxaa laga rabaa inay bulshada Tusaaleeyaan  waxa Qaldan iyo waxa saxan  iyagoo wixii Fidna keenaya iska ilaaliya.

Ugu Danbay waxaa   Toos ah Taageerada xukumada u baahan tahay laga sugayaa shacabka Gobalka Banaadir  waa Gobolka astaan u ah midnimada soomaaliyeed  waxaa ku aqaan shacabka muqdisho ku nool kuwa diida cadawga shisheeye  ee ku soo duulay soomaaliya Waxaa lagaaray waqtigii Caqligu shaqayn lahaa

 Qore Maxamed caalim