Xukuumadda oo La Ansixiyay Jahawareer Siyaasadeed Kaddib

215

Dhaarinta Wasiirrada cusubXukuumaddii saddexaad ee uu muddo labo bil gudahood ah soo dhiso Raysul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashid Cali ayaa heshay codka kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa u codeeyay 191 mudane, halka ay diideen 22 xildhibaan mana jirto cid ka aamustay codeynta sida uu xaqiijiyay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ay tiradiisu tahay 275 ayaa kalfadhigaan waxaa soo xaadiray 213 mudane oo keliya. Waa xukuumaddii ugu dhibka badnayd, labo jeer oo hore ayaa Raysul wasaaruhu wuxuu dib ula noqday labo xukuumad oo uu soo dhisay, kaddib markii uu ka cabsaday in uu waayo kalsoonida Baarlamaanka, hase ahaaatee ansixintaan aqlabiyadda leh ayaa ah guul u soo hoyatay Raysul wasaare Cumar iyo Madaxweynaha oo isaga keenay, iyadoo sidoo kale ay shacabku aad u soo dhaweeyeen ansixinta Xukuumadda.

Raysul wasaare Cumar ayaa la-tashiyo la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan, wuxuu xubnaha Xukuumadda u badiyay, gaar ahaan wasiir ku-xigeennada iyo wasiiru-dowleyaasha inuu ka keeno Baarlamaanka si uu codka kalsoonida uga helo, waxaana muuqata in ay tallaabadaas markaan u shaqeysay.

Waxaa magaalada Muqdisho baryahaan dambe laga dareemayay caro baahsan oo ay shacabka u muujinayaan xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya iyagoo ku eedeynayay inay mas’uul ka yihiin xasaradda siyaasadda ee degi waysay, taasi oo dadka ku nool Muqdisho ay dareemayaan in dhaqaale ahaan iyo nabadgelyo ahaanba ay u taabatay.

Warar xoog-ogaal ah oo Xaqiiqa Times ay heshay waxay sheegayaan in haddii ay xukuumadda cusub weyn lahayd kalsoonida Baarlamaanka in ay Muqdisho ka dhici lahaayeen dibadbaxyo ka dhan ah Baarlamaanka oo lagu eedeynayo inuu qeybta ugu weyn ku lahaa qalalaasaha siyaasadda ee dalka hareeyay.

Dadka ka faallooda siyaasadda ayaa sheegaya in Baarlamaanka ay ku adkaan doonto inuu rido xukuumaddaan inta ka dhiman labada sano ee u dhiman madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.