Xukuumadda oo soo dhawaysay doorashada Madaxwaynaha Hir-shabelle

159

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa soo dhoweeyey doorashadii ka dhacdey magaalada Jowhar ee lagu doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble iyo madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).

“Waxaan u hambalyaynayaa Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble iyo ku xigeenkiisa Waxaan Alle uga baryaynaa in uu howsha adag ee loo doortay ku garab galo, waxaan aad ugu faraxsanahay sida ay doorashada u dhacday, oo ah mid xaq ah iyo si xalaal ku dhacday, bulshadana ay la shaqeeyaan hogaanka cusub” ayuu yiri R.W Cumar.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeed uu Madaxwaynaha ka soo saaray doorashada Hir-shabeelle.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u hambalyeeyay hoggaanka cusub ee Maamulka Hirshabeelle oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar. Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa loo doortay Madaxweynaha maamulkaas iyada oo madaxweyne ku Xigeenna loo doortay Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe)

“Doorashadda dhacday maanta ee lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabellle, waxay caddeyn u tahay sida Soomaaliya u dhaqaaqday iyo horumarka la gaaray iyo sidoo kale sida shacabka Soomaaliyeed ugu bisil-yihiin ka qeyb-galka dowladnimada, Waxaan Madaxweyne Cali Cosoble iyo ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe u rajeynayaa in uu Alle la garab galo gudashada waajibka loo igmaday” ayuu yiri Madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa  ugu hambalyeeyay baarlamanka maamulka Hirshabeelle, sida wanaagsan ee uu ugu guuleystey qabashada doorashada madaxtinimada ee Maamulka Hirshabeelle.

 Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle uu si buuxda u dhammeystiray hirgelinta nidaamka Federaalka ay Soomaali qaadatay “dhammeystirka Maamulka Hirshabeelle, wuxuu dhammeystir u yahay hirgelinta nidaamka federaaleynta dalka , waana tallaabo loo qaaday dhanka baahinta xukunka dalka”

Ugu dambentii , Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya si buuxda ula shaqeyn doonta maamulka cusub ee Hirshabeelle isaga oo ku booriyey dhammaan shacabka Hirshabelle iyo maamul gobolleedyadda dalka ka jira inay la shaqeeyaan madaxda maanta la doortay.