Xukuumadda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka Oo Ka Wadahadlay Hiigsiga Cusub

Shirkan looga hadlay Hiiga Cuusb ayaa maanta ka dhacay Xafiiska ra’iisulwasaaraha Soomalaiya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma ‘arke waxaana shirka looga hadlay barnaamijka Hiigsiga Cusub ee looyaqaan New deal iyada oo ay shirka joogeen wadamada deeq-bixiyaasha iyo guddiga u xilsaaran Xukuumadda barnaamijka hiigsida cusub Soomaaliya.

Shirkan oo uu ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid uu shir gudoominayay, ayaa xoogga lagu saaray sida ay tahay in loowajaho iyo fulintiisa doorka ay ku leedahay Soomaaliya.

Wasiirka Iskaashiga iyo Xariirka Caalamiga ah Cabdiraxaman Cali Caynte ayaa warbaahinya u sheegay in shirkan uu ahaa mid si gaar ah looga hadlayay sida loo dar dargelinlahaa qorshaha hiigsiga cusub,waxa uuna sheegay in ay wasaaraddiisu ay xariirindoonto shirka uuna dhici doono 23 bishan March waxa uuna sheegay in deeq-bixiyaasha loo sheegay doorka ay ku leedahay Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa xilligan waxa ay doonaysaa dardargelinta barnaamijka hiigsiga cusub kaasi oo ladoonayo in lagu dabaqo isbedel doorasho Dadweyne oo dhacdo Soomaaliya