Xuldhibaanada Baarlamaanka oo codka kalsoonida u qaadaya Raiisul wasaaraha

225

Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta hor-tagaya baarlamaanka Soomaaliya isagoo hor gayn doona Ra’iisul wasaaraha cusub si madanayaasha Baarlamaanka ay codkooda u siiyaan.

Madaxwaynaha ayaa xildhibaanada ka codsaday inay codkooda siiyaan Xasan Cali Khayre oo uu u magacaabay xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Farmaajo ayaa u khudbadaynaya hadda  xildhibaanada labada aqal ee kala ah golaha Shacabka iyo golaha Senetka.

Dastuurka Kumeel gaarka ah ee dalka ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha uu u baahan yahay cod aqlabiyad ah inuu ka helo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya