Monday, September 21, 2020
Home Wararka Maanta Xuska 68 sano guuradii ka soo wareegatay aas-aaska dowladda Shiinaha oo lagu...

Xuska 68 sano guuradii ka soo wareegatay aas-aaska dowladda Shiinaha oo lagu qabtay Muqdisho (Sawiro)

210

Munaasabad loogu dabaal dagayay 68-guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay Dowladda Shiinaha ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Xuskan waxaa ka  qeyb galay Ku-simaha Madaxweynaha  ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari,  Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed,  Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow, Safiirka Dowlada Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian iyo Masuuliyiin kale.

Masuuliyiinta Munaasabada ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraaday Xiriirka Taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha iyo Marxaladaha kala duwan uu soo maray, sidoo kale waxaa si weyn loo amaanay doorka hormarka Soomaaliya uu ku leeyahay Shiinaha, sida Dhismaha, Dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ugu Hambalyeeyay Shacabka Shiinaha Maalinta la aas aasay dowlada dalkaas.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxda iyo Shacabka dowlada Shiinaha 68-guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay dowladooda, Soomaaliya iyo Shiinaha xiriirkooda wuxuu soo bilowday sanadkii 1960-kii, tan iyo markaas Shiinaha Soomaaliya waxay la garab taagnaayeen taageero wax ku ool oo dhinac kasta ah, waxaan ka codsaneynaa Dowlada Shiinaha inay Soomaaliya oo wadada hormarka cagta saartay ay dhaqaalaha iyo dhismaha guud ahaan dalka ka taageeraan” ayuu yiri Mudane Jawaari.

Safiirka Dowlada Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian oo Khudbad ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in Soomaaliya uu kala dhaxeeyo xiriir soo jireen ah, Dowlada Shiinahana ay Soomaaliya ka fulisay 89-Mashaariic, oo ay ka mid tahay Dhismaha Tiyaarta Qaranka, Garoonka Kubada cagta ee Muqdisho, Isbitaalka Digfeer, dhismaha Waddooyin waa weyn iyo Mashaariicyo kale, sidoo kale Safiirka wuxuu sheegay in arday badan oo Soomaaliyeed ay siiyeen deeq waxbarasho oo ay ka faa’iideysteen sdia Dhaqaatiir Soomaali ah oo ku soo wax bartay Shiinaha, dhinaca kale wuxuu balanqaaday in ay sii wadi doonaan Mashaariicda hormarineed oo ay ka fulinayaan Soomaaliya, isagoo sheegay in ay aad ula dhacsan yihiin isbedelada dhinaca amniga, dhaqaalaha iyo hormarka Bulshada ee Soomaaliya ka hanaqaaday.