Yaa ka qayb galaya caleema saarka madaxwaynaha Soomaaliya

289

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Ciidanka Cirka Afasiyooni, ee Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhaceysa Munaasabad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Munaasabada Caleemo Saarka ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madax ka socota Dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa deriska la ah Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ka qayb gali doona xubnaha Beesha Caalamka, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada qaar, Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Dalka Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo marti sharaf kale.

Munaasbadan ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, sida uu qorshuhu yahay.

Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho, ayaa si wayn loo adkeeyay ayadoo Magaalada xalay uu u bilowday bondow 24 sacadood ah.

Wadooyinka muhiimka ah ee Caasimadda ayaa xiran, kuwaasi oo xirnaan doona ilaa iyo ay ka dhamaato xafladda caleema-saarka Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya.

In ka badan 328 xildhibaan ayaa 8 sii bishan February waxaa ay Madaxwayne u doorteen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xilka sii hayn doona ilaa iyo 2020 ka.