yahye Jameh oo ku dhawaaqay inuu xilka ka dagayo

285

madaxwaynaha mudada dheer maamulayay dalka Gambia Yahye Jameh, ayaa ku dhawaaqay inuu ka dagayo xilka madaxtinimo, ka dib cadaadis uga yimid urur gobaleedka galbeedka Qaarada Africa ee ECOWAS.

Kadib wada hadal dheer oo uu la qaatey Madaxweynaha Gini Alpha Conde iyo Madaxeynaha Muritaaniya Mohamed Ould Abudl azi maalintii Jimacada ayaa Yahya Jammeh go’aansadey in uu xilka ka dego, waxaana loo ballan qaadey in uu mid kamid ah dalalka Galbeedka Afrika uu qaxooti ahaan ugu noolaan karo isaga oo aan wax maxkamad ah la soo taageyn.

Yahya Jammeh ayaa hoggaaminayey Gaambiya muddo 22 sano ah, waxaana uu bishii Diseembar 2016 diidey in uu aqbalo natiijadi doorashada oo uu ku guuleystey Adama Barrow.

Dalka Gaambiya ayaa gebi ahaantiisuba ku dhexyaala dalka Senegal marka laga reebo xuduuda biyaha badda Atlantic, dalalka galbeedka Afrika oo ay ugu horeyso Sengal ayaa ballan qaadey haddii Yahya Jammeh xilka ka degi waayo in ay farogelin ciidan ku samaynayaan.

Madaxweynaha cusub ee Gaambiya Adama Barrow ayaa maalmo ka hor lagu dhaariyey safaaradda Gaambiya ku leedahay magaalada Dhakar ee dalka Senegal, si dalku aanu jaahwareer u gelin.

Lama yaqaano dalka u ku nolaan doono Yahya Jammeh oo horey inqilaab ugu qabsadey Gaambiya.