Yeed oo hawlgallo dhacay tiro dad ah lagu xirxiray

178

Ciidanka-dawladda-dhexe

Ciidamadda dawladda oo gacan ka helaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gelinkii danbe ee maanta hawlgallo qorsheysan ka fuliyey tuulooyin dhawr ah oo hoos taga degmada Yeed ee gobolkaasi Bakool, kuwaasoo lagu bartilmaameedsaday dagaalyahanka xarakada Shabaab ee Soomaaliya.

Sida wararka qaarkood ay sheegayaan hawlgalladaasi ayey ciidamadda isbaheysigu ku qaadeen saldhigyo ay Al-shabaab isu uruursanayeen oo ku yaal duleedyada Yeed, waxayna ku soo qabqabteen tiro dad ah oo ay weli baaritaanno ku wadaan masuuliyiinta maammulka degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Yeed, Cabdi Saaqid Duwane ayaa laga soo xigtay in shaqsiyaadkaasi gacanta lagu digay badankood la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.