Yuusuf Dabageed oo xilka laga qaaday

198

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa xilkii looga qaaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiran.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa xilka ka qaadistan shaaciyay goor dhowyed iyadoo  Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) laga qaaday xilkii maamulka Gobolka.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan ayaa  loo magacaabay  Cali Jeyte Cismaan oo hore u soo noqday xildhibaan dowladii KMG ahayd iyo wasiir ku xigeen.

Xil ka qaadista Yuusuf Axmed Xagar Dabageed ayaa la sheegay inay salka ku hayso awood qeybsi qabiil iyadoo aanay suuragal ahayn in Jufo ka mida beesha madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ay haayaan xilka guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Waxaa kaloo dhowaan lagu wadaa in isbedel kale lagu sameeyo maamulada gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe si loo miisaamo beelaha labada gobol kadib dhismihii maamul Goboleedka Hirshabeelle, sida wararku ay sheegayaan.