Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban ki-Moon, ayaa warkqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan QM, Yuusuf Garaad Cumar, kaas oo uu Madaxweyne Xasan, uu dhowaan u magacaabay xilkaasi.
Yuusuf, ayaa soo dhigay bartiisa Internet-ka isaga oo la sawiran Banki-Moon,waxaana uu xusay in ay kulan wada qaateen kana wada hadleen Xaaladda dalka Soomaaliya.
Baki Moon ayuu uga mahad celiyay sida ay u garab taaganyihiin Soomaaliya,waxaana uu intaa ku daray in QM, ay madaxbanaannida gaarsiisay Soomaaliya 56 Sano ka hor.
Danjire Yuusuf Garaad,ayaa waxaa uu sidoo kale u mahad celiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud, Ra’isalwasaare Sharma’aeke iyo Wasiirka arrimaha dibadda oo uu sheegay in ay u ogolaadeen in uu Soomaaliya ku matalo barta ay ku kulmaan diblomaasiyiinta 193 Dowladood ee Caalamka
Yuusuf Garaad,waxaa uu Sanadkii 2012kii u tartamay xilka madaxweynenimada Soomaaliya,waxaana uu ahaa Madaxii laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale barteeda Twitter- ka Ku xaqiijisay in danjiraha joogtada ah Soomaliya u qaabilsan QM warqadaha laga gudoomay.